Newcastle Oo Dooneysa Willock

Tababaraha kooxda New Castle Steve Bruce ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo maanta, khadka dhexe ee kooxda Arsenal Joe Willock.

Heshiiska ay kooxda Newcastle ku dooneyso Willock ayaa ah heshiis amaah ah , waxaana ay doonayaan inay khadkooda dhexe ku xoojiyaan inta xilli -cayaareedka ka dhiman.

Dhanka kale Arsenal ayaa la aaminsanyahay in ay Willock u ogolaaneyso inuu maanta amaah ku baxo haddii dalabyo ay yimaadaan maadaama ay doonayaan in wiilkooda uu qibrad kasoo helo meel ka baxsan garoonka Emirates Stadium.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *