Manchester Oo La Saxiixanaysa Dembele Ama Sancho

Manchester United ayaa bartilmaameedsaneysay Jadon Sancho tan iyo xagaagii laakiin weli wax heshiis ah lama gaarin kooxda Borussia Dortmund oo ku aadan saxiixa cayaaryahankan.

Sida laga soo xigtay Daily Express, United ayaa suuqa kala iibsiga xagaaga u dhaqaaqi doonta labada xiddig, Jadon Sancho iyo Ousmane Dembele.

Laakiin Red Devils ayaa kaliya dooneysa inay la soo saxiixato mid ka mid ah labada xiddig ee weerarka ka ciyaara.

Kooxda reer Manchester ayaa yara xasilloonayd suuqa kala iibsiga bisha Janaayo laakiin waxay ku sii jeedaan xagaa mashquul badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *