Diego Costa Oo Ku Biiraya West Ham

Weeraryahanka kooxda Athletico Madrid iyo xulka Spain ee Diego Costa ayaa loo soo bandhigay West Ham, sida uu sheegayo wariyaha BeIN Sports Tancredi Palmeri.

Warar soo baxay maanta galinkii hore ayaa sheegaya in koox aan la magacaabin oo ka tirsan lixda koox ee ugu sareysa Premier League ay dalab ka gudbiyeen Costa ….. West Ham-na waxay fadhidaa kaalinta shanaad!

Si kastaba ha ahaatee, Tababaraha kooxda West Ham David Moyes ayaa sheegay in shir looga hadlayo ganacsiyada naadiga la qabtay kaddib cayaartii shalay ee Liverpool, waxaana la filayaa in Costa uu kamid ahaa waxyaabihi ay ka wada-hadleen.

Haddii Hammers aysan la soo saxiixan weeraryahan maanta, waxaa u jooga weeraryahanka xooga badan ee Michail Antonio iyo Andriy Yarmolenko oo khibrad u leh inuu ka ciyaaro afka hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *