Sergio Ramos Oo Codsaday In Loo Fasaxo Ku Biirista Manchester United

Sergio Ramos Oo Codsaday In Loo Fasaxo Ku Biirista Manchester United

Sergrio Ramos ayaa qarka u saaran inuu u dhaqaaqo Manchester United kaddib markii uu go’aansaday in heshiiska uu kula jiro Real Madrid uusan kordhineynin. Waxaana cayaaryahankan uu soo galay lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa.

Sidaa darteed Ramos ayaa xor u ah inuu la xaajoodo kooxaha uu doonayo inuu u dhaqaaqo.

Waayihiisa cayaareed ayuu 16 sano kamida ku qaatay garoonka Bernebeu ee kooxda Real Madrid.

Hase ahaatee hadda waxay u muuqataa in waayihhisa Real ay soo dhammaatay kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay isaga iyo madaxwaynaha kooxda Florentino Perez.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Paris Saint-Germain ayaa xiriir la sameysay Ramos laakiin daafacan ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa diiday inuu u dhaqaaqo caasimada Faransiiska wuxuuna doonayaa inuu isku tijaabiyo Premier League.

34 jirkan ayaa sidoo kale dalab ka helaya kooxaha Asia laakiin qoyskiisa ayaan diyaar u ahayn iney halkaa u dhaqaaqaan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Ramos Oo United Ku Wajahan, Mustafi >Barcelona, Dembele!!…. & wararkii ugu dambeeyay suuqa.

Read Next

TOOS: Halkan Kala Soco Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala-Iibsiga Cayaartooyda Oo Caawa Xidhmaya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?