Michael Owen Oo Saadaaliyay In Manchester United Ay Ka Adkaan Doonto Arsenal Caawa

Michael Owen Oo Saadaaliyay In Manchester United Ay Ka Adkaan Doonto Arsenal Caawa

Khabiirka cayaaraha BT Sports ee Michael Owen ayaa saadaaliyay in kooxdiisi hore ee Manchester United ay caawa garaaceyso kooxda Arsenal.

Kooxda Macalin Ole Gunnar Solskjaer ayaa fiidnimada caawa booqanaya Waqooyiga magaalada London si ay u wajahaan Arsenal, iyagoo ka careysan guuldarradii kasoo gaartay kooxda Sheffield United Arbadii.

Man United ayaa hoggaanka u qabatay miiska kala-sarraynta horyaalka horraantii bishan waxaana ay doonayaan iney markale hoggaanka ku laabtaan caawa haddii ay ka adkaadaan Arsenal.

Arsenal oo iyana filaneysa iney kasoo kabtaan qaab cayaaroodkoodii xumaa ee billoowgii ololahan iyagoo doonaya inay qebaha sarre ee horyaalka ay kusoo dhowaadan hadii ay gurigooda uga adkaadaan Manchester United caawa.

Haddaba khabiirka cayaaraha ee BT Sports Michael Owen ayaa saadaaliyay in Manchester United ay kaga adkaan doonto Arsenal gurigeeda.

Waa tan saadaasha Owen.

Arsenal 1-2 Manchester United

Abdihakim Olad

Read Previous

Aubameyang Oo Seegaya Kulanka Caawa Ee Manchester United

Read Next

Ramos Oo United Ku Wajahan, Mustafi >Barcelona, Dembele!!…. & wararkii ugu dambeeyay suuqa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?