Aubameyang Oo Seegaya Kulanka Caawa Ee Manchester United

Weeraryahanka iyo Kabtanka kooxda Arsenal Pierre Emerick Aubameyang ayaa laga saaray kooxda Arsenal ee caawa Wajahaysa Manchester United.

Aubameyang waxaa uu seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee kooxdiisa sababo la xariira hooyadii oo wajahaysay xaalad Caafimaad.

Wuxuu kusoo laabtay magaalada London isbuucan balse qeyb kama ahayn tababarkii kooxda Arsenal ee jimcihii.

Kooxda Arsenal ayaa sheegtay in cayaaryahankooda uu weli ku maqanyahay ‘xaalado qoys oo gaar ah’ taasoo sabab u noqoneysa inuu seego kulanka ay Gunners la cayaareyso Red Devils.

Arsenal ayaa sidoo kale sheegtay in cayaaryahan Dani Ceballos uu sidoo kale maqnaanayo kulanka caawa maadaama uu la tacaalayo dhaawac kubka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *