Mid ka mid ah kulamada ugu adag horyaalka Premier League-ga ayaa galaya boggiisa ugu dambeeya fiidnimada Sabtida marka ay kooxda Arsenal garoonkeeda Emirates kusoo dhoweyneyso kooxda Manchester United.
Toddobo boos iyo 10 dhibcood ayaa labada dhinac ku kala saaraya miiska kala-sarreynta, laakiin kooxda kaalinta sagaalaad ee Arsenal ayaa kulankaan cayaareysa iyadoo guul ka heysata haysata kulankii ugu dambeeyay halka Manchester United oo kaalinta labaad ku jirta ay la hartay guuldaradii Sheffield United.

Iska hor imaadyada u dhexeeya labadan koox ee waaweyn ee xifaaltanka weyni uu ka dhaxeeyo ayaa waxaa laga yaabaa inaysan noqon sidii ay ahaan jireen waagii hore markaasoo ay hoggaan u ahaayeen go’aan ka gaarista halka uu ku wajahan yahay hanashada Horyaalka Premier League-ga, hayeeshee kulankan ayaa weli wata xiisahiisa gaarka ah.
Natiijooyinkii Ugu Dambeeyay
Man united ayay guuldarro weyn kasoo gaartay kooxda Sheffield United iyadoo 2:1 looga adkaaday kulankii ay arbacadii is wajaheen halka Arsenal ay guul aargudasho ah gaartay todobaadkan xilli kooxda Southampton ee ka reebtay tartanka FA-Cupka ay uga adkaatay natiijo 1:3 ah, iyagoo markale marti u ahaa kooxdaasi.
Wararka Cayaartoyda
Tababare Mikel Arteta ayaa rajo ka muujiyay in kabtanka Arsenal ee Pierre Emerick Aubameyang uu kusoo laaban karo kulankan, isagoo seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay sababo la xariira hooyadii oo xaalad caafimaad wajahaysa.
Thomas Partey iyo Emile Smith-Rowe labadoodaba waxay la yimaadeen cabashooyin muruq ah kaddib kulankii Southampton, waana la qiimeyn doonaa kahor kulanka, halka saxiixa cusub Martin Odegaard uu diyaar u yahay inuu markii ugu horreysay kooxdiisa u safto balse waxaa laga yaabaa inaan si toos ah loogu soo darin line-upka.
Taam ahaanshiyaha daafac Kieran Tierney ayaa sidoo kale shaki ku jira sababo la xiriira dhaawac lugta ah, halka kulankaan ay u badan tahay inay soo laabtaan cayaaryahanada kala ah Dani Ceballos iyo Pablo Mari.
Dhanka kale Man United ayaa hubin doonta taam ahaanshaha Eric Bailly, kaasoo ay ahayd inuu wajaho kooxda Sheffield United laakiin waxaa lagu qasbay inuu shaxda ka baxo kaddib markii uu dhaawac ku soo gaaray tababarka kulanka kahor.
Dhaawiciisa looma maleynayo inuu halis yahay, balse isbedelka degdega ah ee kulamada ayaa u muuqda inuu booskiisa u seegi doono Victor Lindelof, kaasoo ahaa bedel aan la isticmaalin bartamihii isbuucaan.
Cayaaryahanadda Luke Shaw, Fred iyo Scott McTominay ayaa markale riixaya in lagu daro line upka, halka weeraryahan Edinson Cavani uu rajeynayo inuu hoggaamiyo safka iyadoo Anthony Martial u wajahayo dhaleeceyn la xariirta qaab ciyaareedkiisii Arbacadii.
Xogta Kulanka
Kulanka: Arsenal vs Manchester United
Garoonka: Emirates Stadium
Garsoore: Michael Oliver
Wakhtiga: 20:30 Xilliga Geeska Afrika
Shaxaha Macquulka ah
ARSENAL
Leno; Bellerin, Holding, Luiz, Cedric; Thomas, Xhaka; Saka, Smith Rowe, Pepe; Lacazette
MANCHESTER UNITED
De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; Fred, McTominay; Rashford, Fernandes, Pogba; Cavani