Yaab: Fenerbahce Oo Taageerayaasheeda Ka Codsatay Inay La Bixiyaan Mushaharka Ozil.

Yaab: Fenerbahce Oo Taageerayaasheeda Ka Codsatay Inay La Bixiyaan Mushaharka Ozil.

Kooxda Turkiga ka dhisan ee Fenerbahce ayaa talaabo layaab leh u qaadeysa si ay u bixiso mushaharka xiddiga kooxdeeda ku biiray(aan la shaacin) ee Mesut Ozil.

Mesut Ozil ayaa haatan ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga isaga oo dhowaan lagu wado in lagu dhawaaqo ku biiristiisa kooxda Fenerbahce oo ay dib u dhigtay karaantiil uu wajahay kaddib imaatinkiisa Turkiga.

Markii uu ku sugnaa waqooyiga London iyo kooxda Arsenal wuxuu Ozil mushahar ahaan u qaadan jiray 18 milyan oo Pound waxaana la filayaa inuu mushaharkiisa hoos u dhigo marka uu u saxeexo kooxda Fenerbahce.

5 Milyan oo Pound ayaa la filayaa inuu iska dhaafo isagoo 13 malyan oo Pound sannadkii ka qaadanaya kooxdiisa cusub.

Haddaba, Guddoomiyaha kooxda Fenerbahce Ali Koc ayaa dhowaan qirtay in kooxdooda ay u baahantahay taageere dhaqaale si ay u awoodaan bixinta mushaharka 32 jirkan.

Wuxuu sheegay inay maalinta shaacinta heshiiska Ozil dalab u diri doonaan dhammaan taageerayaasha kooxda iyaga oo ka codsanaya inay lacag yar lambar gaar ah ay ku diraan si ay gacan uga geystaan tabarucaadda dhaqaale.

Wuxuu yiri “Codsi ayaanu u haynaa jamaahiirtayada, fadlan sii wada inaad na taageertaan, anagu sidoo kale waanu ku tiirsanahay taageeradiina maaliyadeed”

“Maalint saxeexa, waxaan idinka codsan doonaa inaad jabisaan rekoor farriimo SMS ah, malaha ilaa 300,000, 500,000 ama Hal Milyan oo farriimo ah, taageeradani innaga si aad u fiican ayay noo caawin doontaa”

Jamaahiirta ayaa wax ka yar 2 Pound ku diri doona nambarka 1907 oo ah xilligii kooxda la’aas aasay si ay Ololaha “Mesutol Campain” qeyb uga qaataan.

Abdihakim Olad

Read Previous

HORUDHAC: Man United Vs Liverpool – United Oo Reds Soo Dhoweyneysa, Shaxaha Macquulka Iyo Wararka Cayaartooyda

Read Next

Seddexleyda Abraham Ayaa Chelsea U Dirtay Wareegga 5-aad Ee FA Cup-Ka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?