Seddexleyda Abraham Ayaa Chelsea U Dirtay Wareegga 5-aad Ee FA Cup-Ka

Weeraryahanka kooxda Chelsea Tammy Abraham ayaa dhaliyay seddexleey goolal ah si uu kooxdiisa Chelsea ugu hoggaamiyo Wareegga shanaad ee FA Cup-ka kaddib markii ay 3-1 kaga badiyeen kooxda Luton Town.

Natiijada ayaa culeyska ka yareyneysa tababaraha Chelsea Frank Lampard kaddib natiijooyinkii xumaa ee horyaalka dhowaanahan.

Si kastaba ha noqotee, Chelsea ayaa ka walwalaysa goolhaye Kepa Arrizabalaga oo qalad ku galay goolka Luton halka Timo Werner uu qasaariyay rigoore xilli dambe ah.

Billaabashada cayaarta ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira shaqaalaha dhulka oo nadiifinayay baraf culus oo garoonka ku da’ay.

Chelsea ayaa daqiiqadii 11-aad dhalisay goolka 1-aad kaddib markii uu Abraham gool u badalay karooska hoose uu ka helay Werner. Kooxda Luton ayaa xanaaqday maxaa yeelay waxay u muuqatay in labo kubbadood ay garoonka kujireen markii la dhalinayay goolka balse garsoorayaasha ayaa fasaxay.

Abraham ayaa helay goolkiisii labaad isagoo madaxa ku dhammaystiray kubbad koroos sarreysa ah oo uu usoo dhigay Reece James.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *