Rasmi: Mesut Ozil Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Kooxda Fenerbahce

Kooxda Fenerbahce ayaa ku dhawaaqday inay Arsenal kala soo saxiixdeen Mesut Ozil, kaddib muuqaal ay soo dhiggeen bartooda Twitterka.

Ku guuleystaha Koobka Adduunka ayaa wuxuu mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda reer Turki kaddib markii uu jahwareer ku dhammeystay waqtigiisa Emirates Stadium.

Mesut Ozil ayaa si xor ah ugu biiray Fenerbahce isagoo soo gebagebeeyay siddeed sano oo uu joogay kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal.

Ozil ayaa laga yaabaa inuu safto kulankiisii ugu horreeya marka kooxdiisa Fenerbahce ay u safrayso kooxda Sivasspor kulan ka tirsan horyaalka dalkaasi ee Super Lig-a Khamiista, laakiin haddii kulankaan uu noqdo mid hoosta kasoo gala, wuxuu u muuqdaa inuu cayaari doono kulan ay gurigooda kula cayaarayaan kooxda Kayserispor afar maalmood kaddib.

32 jirkaan ayaa loo xil-saari doonaa inuu ka caawiyo kooxda macalin Erol Bulut inay hantaan horyaalkii ugu horreeyay kooxda tan iyo xilli-cayaareedkii 2013-14, iyadoo keliya seddex dhibcood ay ku kala soocanyihiin iyaga iyo kooxda haatan hogaamineysa horyaalka ee Galatasaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *