“Odegaard Wuxuu U Ceeboobi Karaa Sidii Suarez” – Saxiixa Ay Arsenal Ku Dhowdahay Oo Durba Laga Deyrinayo

“Odegaard Wuxuu U Ceeboobi Karaa Sidii Suarez” – Saxiixa Ay Arsenal Ku Dhowdahay Oo  Durba Laga Deyrinayo

Weeraryahankii hore ee kooxda Arsenal Alan Smith ayaa tababare Arteta uga digay inuu ka fiirsado saxiixa ay ku dhowdahay ee Martin Odegaard, isagoo carabka ku adkeeyay inuu fashil u noqon karo sidii Denis Suarez oo Barcelona ay kasoo qaateen xilli cayaareedkii 2018 – 2019.

Arsenal ayaa ku dhow inay dhammeystirto saxiixa amaahda ah ee khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Martin Odegaard balse ma’ahan saxiixii ugu horreeyay oo ay La Liga kasoo qaataan waxaana ay durbaba heystaan Dani Ceballos oo isla Real ay kasoo qaateen iyadoo uu xilli cayaareedkii labbaad ku qaadanayo garoonka Emirates Stadium.

Weeraryahankii hore ee kooxda Arsenal Alan Smith oo la hadlayay warbaahinta Stadium Astro ayaa la weydiiyay sababta uu Arteta u doonayo inuu cayaaryahahan kubbad-sameeye ah uu ula soo saxiixdo suuqan.

wuxuu yiri ” Ma ogi sababta uu ulasoo saxiixanayo Odegaard, wuxuu ku dhibtooday inuu ku horumaro Real Madrid, Arsenal ma waxay dooneeysaa inay lasoo saxiixdaan cayaaryahan aan waxba usoo kordhineyn”

“Gadaal ugu laabo Denis Suarez, wuxuu yimid kooxda Arsenal balse Jir ahaan ma’ahayn mid diyaarsan dhaawacyo ayaana hareeyay”

Alan oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri ” wuu ceeboobay ugu dambeen, balse waxaan rajeynayaa iney ka fiirsadaan saxiixa Odegaard oo aysan ku laaban qaladkii Suarez oo kale”

” Waa cayaaryahan da’yar ah oo Real ka tirsan, ma badna waxa laga filan karo isaga”

“Laakiin waxay raadinayeen hal-abuurnimo dheeri ah. Smith Rowe ayaa taas bixiyay”

” Ma filayo in kulama badan uu ku billaaban doono safka Arsenal”

Abdihakim Olad

Read Previous

Tababare Solskjaer Iyo Pogba Oo Wadahadlay – Maxaa Dhex Maray?

Read Next

HORUDHAC: Man United Vs Liverpool – United Oo Reds Soo Dhoweyneysa, Shaxaha Macquulka Iyo Wararka Cayaartooyda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?