Juve Oo Guul Ka Gaartay Bologna Iyagoo Soo Galay Kaalinta 4aad Ee Horyaalka Serie-A

Kooxda Juventus ayaa soo gashay kaalinta 4aad ee Horyaalka Serie A-da kaddib marki ay 2-0 ku garaacday kooxda Bologna.

Arthur Melo ayaa dhaliyay goolkiisii ​​ugu horreeyay ee kooxda Turin qeybtii hore ee cayaarta isagoo darbo sarmo ah ka dhaliyay kooxda Bologna, cayaaryahanka khadka dhexe ee Weston McKennie ayaa madax ku dhaliyay goolka labaad markii ay daqiiqadii 71aad maraysay.

Goolhayaha Bologna Lukasz Skorupski ayaa sameeyay badbaadooyin layaab leh si uu kooxdiisa uga ilaaliyo goolal dheeraad ah, sidoo kale kooxda martida ah ayaa heshay fursado fiican kulan xiiso leh oo ka dhacay garoonka Allianz Stadium.

Juve ayaa 7 dhibcood ka hooseeysa kooxda hoggaanka heysa ee Ac Milan iyadoo Milan uu kulan baaqi u yahay.

Juventus oo ku jirta kaalinta afaraad ayaa leh 36 dhibcood 18 kulan oo ay ciyaartay, waxay hal dhibic ka hooseysaa AS Roma oo ku jirta kaalinta seddexaad.

Pirlo ayaa ku guuleystay koobkii ugu horreeyay xirfadiisa Arbacadii isagoo Juve ku hogaamiyay inay 2-0 kaga adkaadaan Napoli kulankii kama dambeysta Super Cup-ka Talyaaniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *