HORUDHAC: Man United Vs Liverpool – United Oo Reds Soo Dhoweyneysa, Shaxaha Macquulka Iyo Wararka Cayaartooyda

HORUDHAC: Man United Vs Liverpool – United Oo Reds Soo Dhoweyneysa, Shaxaha Macquulka Iyo Wararka Cayaartooyda

FA Cupka ayaa markale la cayaarayaa maanta oo axad ah iyadoo isku dhac aad u weyn uu dhexmari doono doono Man United iyo Liverpool.

Manchester United ayaa marti qaadi doonta Liverpool kulan ka tirsan wareega 4-aad ee FA Cup-ka oo ka dhici doona Old Trafford fiidnamada xilliga geeska afrika.

Kulankan ayaa noqon doona mid xiiso gaar ah leh kaddib markii kulankii uu dambeeyay ee labbada dhinac dhexmara ay gool la’aan ku kala hoydeen.

Waxay noqoneysaa kulan ay afka ciida isu darayaan labada naadi ee ugu guulaha badan kubada cagta Ingariiska.

Reds waxay dhexda kaga jirtaa qaab cayaareed aad u xun xilligan maadaama ay tahay guul la’aan tan iyo shantii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.

Sidoo kale tan iyo markii ay Crystal Palace ku garaacday toddobo gool kahor ciida masiixiga, Liverpool ayaa dhalisay kaliya hal gool shantii kulan ee ugu dambeysay horyaalka. Waxay ku guuldareysteen inay shabaqa soo taabtaan afartii kulan ee ugu dambeysay taasoo ka dhigan inay wajahayso abaartoodii ugu dheerayd tan iyo May 2000.

Liverpool ayaa sidoo kale lumisay rikoorkeedii guuldaro la’aanta garoonkeeda ee Premier League kulankii Burnley jimcihii.

Reds ayaa lix dhibcood ka dambeysa Man United oo hoggaamineysa tartanka loogu jiro hanashada Premier League-ga.

Dhanka kale Manchester United ayaan laga badinin Premier League-ga tan iyo guuldaradii 1-0 ee ka soo gaartay Arsenal bishii November ee sannadkii hore.

Waxay haatan ku jiraan kaalinta 1-aad ee kala sarraynta Premier League-ga waxuuna kulankan ugu soo beegmayaa xilli ay guul weyn oo ay 2-1 kaga soo gaareen Fulham meel ka baxsan garoonkooda.

Man United ayaa isku dayaysa inay guul ka gaarto Liverpool si ay kalsooni ugu hesho kulanka Horyaalka oo ay Arsenal booqanayso Sabtida soo aadan.

Wararka Cayaartooyda

Tababare Solskjaer ayaa la filayaa inuu isbadal ku sameeyo shaxdiisa, waxaana la rajeynayaa in weeraryahan Marcus Rashford uu kusoo laabta safka hore kaddib markii keydka loo dhaadhiciyay kulankii Fulham.

Goolhaye Dean Henderson Iyo Daafac Alex Telles ayaa laga yaabaa in fursad la siiyo.

Solskjaer ayaysan u badneyn inuu shaxdiisa dabciyo isagoo la filayo inuu kusoo billaabo Bruno Fernandes, Paul Pogba, Harry Maguire iyo Edinson Cavani.

Dhanka kale Liverpool ayaa la filayaa iney weyso kabtankooda Jordan Henderson oo dhaawac muruq ah wajahaya.

Mohamed Salah iyo Roberto Firmino ayaa labada loo dhaadhiciyay kursiga keydka kulankii Burnley ay guuldarada kala kulmeen waxaana la filayaa in lagu soo bilaabo.

Daafaca bidix ee Liverpool Robertson ayaa la filayaa in la siiyo nasiino naadir ah si fursad loo siiyo Kostas Tsimikas oo keydka kusoo laabtay kulankii Burnley.

Wakhti: Maanta 08:00 Fiidnimo ( Xilliga Geeska Afrika)

Garoonka: Old Trafford

Tartanka: Wareegga 4aad ee FA Cup

Garsoore: Craig Pawson

Shaxda Macquulka Ee Manchester United.

Shaxda Macquulka Ee Liverpool.

Abdihakim Olad

Read Previous

“Odegaard Wuxuu U Ceeboobi Karaa Sidii Suarez” – Saxiixa Ay Arsenal Ku Dhowdahay Oo Durba Laga Deyrinayo

Read Next

Yaab: Fenerbahce Oo Taageerayaasheeda Ka Codsatay Inay La Bixiyaan Mushaharka Ozil.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?