Hazard Iyo Benzema Ayaa Halbeeg U Ahaa Xasuuqii Real Ee Alaves Iyaggoo 4 Dhibcood U Jirsaday Hoggaanka

Kooxda Real Madrid ayaa noqotay marti aan xishooneyn kaddib markii ay 4 gool iyo gool ku xasuuqeen kooxda Deportivo Alaves oo ay gurigeeda ku booqdeen.

Karim Benzema Iyo Eden Hazard ayaa ku daray labba gool oo qurux badan waxyar kahor dhammaadkii qeybta hore ee cayaarta oo billowgii uu hoggaanka u dhiibay cayaaryahan Casemiro.

Alaves ayaa hal gool iska soo celisay ibirirqsiyo uun kahor inta aysan saacad ku buuxsamin cayaarta, markii uu weeraryahan Joselu kubbad laad xor ah ay uga timid Lucas Perez uu ku garaacay goolhaye Courtois, si uu Real dib ugu celiyo hoggaan 2 gool ah.

Cayaaryahan Karim Benzema ayaase rajada soo laabashada ah ka qaaday Alaves isagoo 11 daqiiqo kaddib goolkii Joselu dhaliyay goolka 4aad ee Real Madrid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *