Atalanta Oo 3 Iyo Waxba Ku Xasuuqday Ac Milan Oo Gurigeeda Ku Cayaareysay

Atalanta Oo 3 Iyo Waxba Ku Xasuuqday Ac Milan Oo Gurigeeda Ku Cayaareysay

Atalanta ayaa AC Milan gaarsiisay guuldaradoodii labaad ee xilli cayaareedkan kaddib markii ay 3-0 kaga badisay San Siro, laakiin kooxda macalin Stefano Pioli ayaa loo magacaabay “horyaalka xilli qaboobaha” ee Serie A.

Kubad madax ah oo uu dhaliyay Cristian Romero ayay hoggaanka ku qabatay kooxda martida aheyd qeybtii hore ee cayaarta kahor inta uusan rigoore uu helay Josip Ilicic gool u bedelin, iyadoo Duvan Zapata uu dhammeystiray guul weyn oo ay ka gaareen kooxda Rossoneri.

Atalanta ayaa heshay fursado ay goolal bedeli karto iyagoo aad uga gacan sarreeyay Milan oo soo bandhigtay mid ka mid ah qaab cayaareedkeedii ugu xumaa xilli cayaareedkaan.

AC Milan’s Ivorian midfielder Franck Kessie (C) is tackled during the Italian Serie A football match AC Milan vs Atalanta Bergamo on January 23, 2021 at the San Siro stadium in Milan. (Photo by MIGUEL MEDINA / AFP)

Kooxda martida loo ahaa ayaa ku guuldareysatay inay darbo bartilmaameed ah sameyso ilaa daqiiqadii 71aad ee cayaarta markaasoo uu bedel kusoo galay weeraryahanka ay dhowaan lasoo saxiixdeen ee Mario Mandzukic kaasoo laga saaray darbo uu goosha la beegsaday.

Si kastaba ha ahaatee kooxda Ac Milan ayaa ku guuleysatay horyaalka xilli qaboobaha, iyagoo hoggaanka horyaalka ku haya 43 dhibcood, waxaana ay labo dhibcood ka sareeyaan kooxda Inter Milan ka dib markii ay barbaro 0-0 ah la galeen Udinese.

Abdihakim Olad

Read Previous

Hazard Iyo Benzema Ayaa Halbeeg U Ahaa Xasuuqii Real Ee Alaves Iyaggoo 4 Dhibcood U Jirsaday Hoggaanka

Read Next

Dembele Oo Premier League-ga Kusoo Wajahan, Brendan Rodgers Oo Lampard Lagu Bedelayo, Dagaalka Loogu Jiro Upamecano Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?