Waa Kee Xiddiga Arsenal Ka Tirsan Ee Ka Dhaadhiciyay Odegaard Inuu Kusoo Biiro Gunners?

Kooxda Arsenal ayaa qarka usaaran iney lasoo saxiixato khadka dhexe ee kooxda Real Madrid iyo xulka Normay Martin Odegaard, iyadoo la filayo in waqti aan fogeyn ay saxiixiisa ku dhammeeyaan.

Sida ay wararku sheegayaan , Haddii Arsenal ay ku guuleysato inay heshiis amaah ah kula soo wareegto Martin Odegaard, Dani Ceballos ayay tahay iney uga mahadceliyaan kaddib markii cayaaryahankan khadka dhexe uu la xariiray saaxiibkii si ay ugu midoobaan garoonka Emirates.

Gunners ayaa ugaarsi ugu jirtay cayaaryahan hal abuur leh si ay ugu bedesho Mesut Ozil oo ku biiraya Fenerbahce, waxaana heegan la geliyay helitaanka Odegaard kaddib markii tababare Zinedine Zidane uu sheegay in xiddigani uu amaah ku bixi karo bishan Janaayo.

Hase yeeshee 22 jirkaan ayaa dalabyo badan miiska u saarnaa, oo ay ugu horreyso kooxda Real Sociedad – halkaasoo uu xilli cayaareed fiican oo amaah ku qaatay sannadkii hore.

Labadan cayaaryahan ayaa is yaqaana tan iyo markii uu Ceballos usoo wareegay Bernabeu sannadii 2017dii waxayna labada wajaheen xanibaadda cayaareed ee tababare Zidane iyadoo Ceballos uu xilli Cayaareedkii hore iyo kanba uu amaah ku qaadanayo garoonka Emirates.

Odegaard ayaa markii hore la aaminsanaa inuu u dhaqaaqayo kooxda Real Sociedad balse Ceballos ayaa la xiriiray isagoo gacan ka geysanaya inuu ka dhaadhiciyo in Arsenal uu kusoo biiro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *