Saxiixyada Cusub Ee Arsenal,United Oo Ku Dhow Saxiixa Veron, Ali Oo Codsaday PSG & Wararkii Ugu Dambeeyay

Saxiixyada Cusub Ee Arsenal,United Oo Ku Dhow Saxiixa Veron, Ali Oo Codsaday PSG & Wararkii Ugu Dambeeyay

Asc, Maalin Wanaagsan.

Suuqa kala iibsiga cayaartooyda bisha Janaayo waxaa ka haray 9 cisho, kooxuhuna waxay isku dayayaan iney suuqa ka dukaameystaan waqti hore si aysan degdeg u gelin maalinta ugu dambeysa, haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa Wararkii ugu dambeeyay ee Suuqa Kala iibsiga cayaartooyda ee ay maantu warbaahintu hadal heyso.

Kooxda Kubbada cagta ee Arsenal ayaa si rasmi ah shaacisay saxiixa goolhayihii kooxda Brighton & Hove Albion Matt Ryan, kaasoo ay kusoo qaateen amaah inta xilli Cayaareedka ka dhimman ( Arsenal.com)

Bayern Munich ayaa xaqiijisay inay damacsan tahay inay lasoo saxiixato 22 jirka daafaca reer France ee RB Leipzig Dayot Upamecano, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 40 milyan oo ginni. (Mirror)

Manchester United, Manchester City iyo Chelsea ayaa dhamaantood soo bandhigay xiisaha ay u qabaan Upamecano, kaasoo heshiis kasta oo lagu iibsanayo uusan dhici doonin ilaa xagaaga. (GOAL)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham iyo England Dele Alli, oo 24 jir ah, ayaa weydiistay guddoomiyaha kooxda Daniel Levy inuusan kahor istaagin u dhaqaaqistiisa Paris St-Germain. (90min)

Daafaca Chelsea iyo England Fikayo Tomori, oo 23 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu Ac Milan ugu biiro amaah lix bilood ah iyadoo hoggaamiyayaasha Serie A ay heystaan ​​ikhtiyaari ah inay heshiis rasmi ah uga dhigaan xagaaga. (Times)

Arsenal ayaa dooneysa inay bishan la soo saxiixato beddelka daafaca bidix ee reer Scotland Kieran Tierney kaddib markii uu Sead Kolasinac ku biiray kooxdiisii hore ee Schalke (Express)

Sidoo kalena 22 jirka khadka dhexe ee Real Madrid Martin Odegaard ayaa aad ugu dhow inuu dhammeystiro heshiis amaah ah oo uu ugu wareegayo Arsenal waxaana la dhammaystiray 90% heshiiska sida uu warrinayo (Sport)

West Ham ayaa soo afjartay baacsiga ay ugu jirtay saxiixa weeraryahanka Sevilla iyo xulka Morocco Youssef En-Nesyri. Hammers ayaa laga soo diiday dalab £ 27m oo ay ka gudbisay 23 jirkaan, iyadoo Sevilla ay ku dooneyso 35 milyan oo ginni. (Talksport)

Cayaaryahankii hore ee Manchester City iyo xulka Ivory Coast Yaya Toure ayaa qarka u saaran inuu qaado talaabadiisii ​​ugu horeysay ee tababarennimo waxaana la filayaa inuu leyliyo kooxda reer Ukraine ee Olympic Donetsk. (ESPN)

Manchester United ayaa ku guuleysaneysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga reer Brazil Gabriel Veron, oo 18 jir ah, kaasoo kooxda Palmeiras uga cayaara booska weerarka, waxaana qandaraaskiisa lagu burburin karaa 53 milyan oo ginni. (Sport, FourFourTwo)

Abdihakim Olad

Read Previous

DEG-DEG: Sergio Aguero Oo Covid-19 Laga Helay

Read Next

DEG-DEG:De Bruyne Oo Maqnaanaya 6 Todobaaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?