DEG-DEG:De Bruyne Oo Maqnaanaya 6 Todobaaad

DEG-DEG:De Bruyne Oo Maqnaanaya 6 Todobaaad

Cayaaryahan Kevin De Bruyne ayaa lagu inuu garoomada ka maqnaado muddo lix todobaad ah, sida uu xaqiijiyay tababare Pep Guardiola.

Manchester City waxay weyn doontaa Kevin De Bruyne marka ay u safrayaan Anfield si ay bisha soo socota ula ciyaaraan kooxda heysata Premier League-ga ee Liverpool.

Kevin De Bruyne ayaa ku qasbanaaday inuu garoonka ka baxo kaddib dhaawac muruq ah oo soo gaaray kulankii ay arbacadii 2:0 uga adkaadeen kooxda Aston Villa, taas oo sabab u noqoneysa inuu 6 todobaad daryeel caafimaad qaato.

De Bruyne ayaa qaab ciyaareed aad u fiican ku soo bandhigaya kooxda Man City xilli cayaareedkan isaga oo dhaliyay 3 gool sidoo kale caawiye ka noqday 10 kale oo premier League ah.

Kooxda Man Citu ayaa badisay lix kulan oo isku xigta horyaalka, isku xig-xigaas oo ka dhigeysa inay si fiican ugu tartamaan hanashada horyaalka – iyagoo labo dhibcood ka hooseeya kooxda hogaanka heysa ee Manchester United oo kulan baaqi u yahay.

Abdihakim Olad

Read Previous

Saxiixyada Cusub Ee Arsenal,United Oo Ku Dhow Saxiixa Veron, Ali Oo Codsaday PSG & Wararkii Ugu Dambeeyay

Read Next

Waa Kee Xiddiga Arsenal Ka Tirsan Ee Ka Dhaadhiciyay Odegaard Inuu Kusoo Biiro Gunners?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?