‘Kooxda Serie C-da’ ee fadeexeysay Real Madrid’ -Warbaahinta Spain oo ku maadeestay tababare Zidane iyo kooxdiisa.

‘Kooxda Serie C-da’ ee fadeexeysay Real Madrid’ -Warbaahinta Spain oo ku maadeestay tababare Zidane iyo kooxdiisa.

Tababare Zinedine Zidane iyo kooxdiisa Real Madrid wax naxariis ah kama helin bogagga hore ee saxaafadda Isbaanishka maanta oo khamiis ah, kaddib markii ay si lama filaan ah ay kooxda heerka 3aad ee horyaalka dalkaasi ay uga reebtay tartanka Copa Del Rey.

Mustaqbalka tababare Zidane ayaa shaki la gelin karaa kaddib guuldaradii xanuunka badnayd ee waqtiga dheeriga laga dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 115aad ee cayaarta.

Bogga hore ee wargeyska Marca ee Madrid kasoo baxaya ayaa muujinayay Zidane, oo madaxa foorarsan, kana tagaya garoonka uu ka qabsoomay mid ka mid ah guuldarrooyinkii ugu xumaa ee soo gaara Madrid.

Wuxuu ciwaan uga dhigay boggiisa hore: “Cidna kama baxsanayso ceebtan.”

Tifatiraha wargeyska Marca, Hugo Cerezo ayaa sheegay in qasaaraha uu muujinayo ‘dhibaato qoto-dheer” oo ka jirta kooxda Real Madrid isagoo sheegay in booska Zidane uu halis weyn kujiro.

Marca ayaa ku warrisay meelo kale boggeeda ah in agaasimayaasha Madrid ay rajeynayaan inay ka fogaadaan inay gaaraan go’aanno waaweyn haatan isla markaana ay fursad siiyaan tababare Zidane illaa dhammaadka xilli-cayaareedkan.

Tababare Zidane ayaa cayaarta kaddib sheegay in ay ahayd “maalin kale oo xanuun badan” laakiin waxa uu aaminsan yahay in ay wali cayaartoydu taageersan yihiin hoggaamintiisa.

Kooxda Real Madrid ayaa sidoo kale laga adkaaday Semi-finalka koobka Supercopa oo ay la cayaareen Athletico Bilbao isbuucii hore, waxaanay ku jiraan qaab-cayaareed aad u liidata.

Abdihakim Olad

Read Previous

Tababare Solskjaer oo digniin u diray kooxaha Premier League-ga kaddib bandhigii wacnaa ee Pogba kulankii xalay.

Read Next

Torreira Iyo Eriksen Oo La Is Dhaafsanayo, PSG Oo Ku Dheggan Barcelona, Frank Ribery Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?