HORUDHAC: Liverpool vs Burnley – Reds Oo Dooneeysa Iney Hoggaanka U Dhowaato, Xaqiiqooyinka, Shaxaha Macquulka Iyo Wararka Cayaartooyda

Kooxda daafaacanaysa horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa doonaysa inay gaadho guusheedii ugu horreysay horyaalka tan iyo bishii December ee sannadkii hore marka ay caawa martineyso kooxda Burnley.

Liverpool ayaa ku jirta kaalinta 4-aad ee miiska kala sarreynta horyaalka kaddib markii ay keliya afar dhibcood urursadeen afartii kulan ee ugu dambeeyay oo ay cayaaraan.

Burnley ayaa ku jirta kaalinta 17aad ee horyaalka iyadoo leh 16 dhibcood 17 kulan oo ay cayaartay, keliya afar dhibcood ayay ka sarreysa aagga dib u laabashada heerka labbaad.

Liveerpool ayaa la filayaa inay dib usoo dhawayn doonto daafaca-dhexe Joel Matip kaddib markii uu seegay kulankii ay axaddii la cayaareen Manchester United.

Soo laabashada Matip ayaa sabab u noqoneysa in kabtan Jordan Henderson loo celiyo booskiisa asalka ah ee khadka dhexe taas oo ka dhigan inuu meesha kala bixi doono cayaaryahan Xherdan Shaqiri

Maadaama weeraryahan Diogo Jota uu dhaawac kaga maqanyahay Reds , tababare Jurgen Klopp ayaan heysan dookhyo badan oo uu meesha kaga saaro mid kamida saddexleydiisa weerar ee gaabiska ahaa cayaarihii ugu dambeeyay.

Xiddigaha kala ah Curtis Jones, Neco Williams, Alex Oxlade Chamberlain iyo Divock Origi ayaa Jurgen Klopp ku cadaadinaya inuu boos ka siiyo shaxda.

Burnley ayaa tijaabo taam ahaansho oo xilli dambe ah marin doonta daafacyada Jimmy Dunne iyo Charlie Taylor.

Shaxaha Macquulka

Liverpool (4-3-3): Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Fabinho, Robertson; Thiago, Henderson, Jones; Salah, Firmino, Mane

Burnley (4-4-2): Pope; Lowton, Tarkowski, Mee, Taylor; Brady, Westwood, Brownhill, McNeil; Barnes, Wood

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Anfield

Wakhtiga: 11:00 habeennimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Mike Dean

Xaqiiqooyinka Kulanka Laga Qoray

. Liverpool ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 17kii kulan ee ugu dambeysay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Burnley (Guul, 11 Barbaro, 5), iyadoo guuldaradaasi ay soo laabatay bishii Sebtember 1974 oo 0-1 looga adkaaday.

. Burnley ayaa kaliya 5 dhibcood ka heshay 36 dhibcood inta kulan oo Premier League ah oo ay la cayaartay Liverpool (Guul, 1 Barbaro, 2 Guuldarro, 9) inkastoo kooxda Burnley ay tahay kooxda kaliya ee soo booqatay Anfield ee kala baxday dhibic xilli cayaareedkii hore.

.Burnley ayaa garaacday dhamaan afarta koox ee kala duwan oo ay wajahday iyaga oo ah kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League, waxay garaaceen Man Utd 2009-10, Man City 2014-15, Leicester 2016-17 iyo Chelsea 2017-18.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *