Suuqa iyo Saakay: Man United oo dalab Ka gudbineysa Medina, Arsenal Oo loo diiday Buendia, Lukaku oo ku gacanseyray City iyo Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa lagu waabariistay.

Suuqa iyo Saakay: Man United oo dalab Ka gudbineysa Medina, Arsenal Oo loo diiday Buendia, Lukaku oo ku gacanseyray City iyo Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa lagu waabariistay.

Maalin wanaagsan aqriste, Maadaama uu furanyahay suuqa kala iibsiga cayaartooyda ee bisha Janaayo kooxu waxay ku kala hormarayaan saxiixyada bartilmaameedyadooda, iyadoo koox weliba ay dooneyso inay boosas gaar ah iska xoojiso isla markaan isku diyaariyaan barka xilli cayaareedka ka haray.

Hadaba waxaan idiinsoo gudbineynaa wararki ugu dambeeyay ee daaqada suuqa kala iibsiga cayaartooyda ee saakay lagu waabariistay.

Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay 11 milyan ginni ku dalbato daafaca Lens iyo xulka Argentina Facundo Medina, oo 21 jir ah (La Voix du Nord – oo ku qoran afka Faransiiska)

Weeraryahanka kooxda Inter Milan iyo xulka qaranka Belguim ee Romelu Lukaku oo 27 jir ah ayaan wax xiiso ah u qabin ku biirista kooxda Man City. (Express)

Liverpool iyo Barcelona ayaan wali ka rajo dhigin saxiixa daafaca Bayern Munich David Alaba, oo 28 jir ah, inkastoo Real Madrid ay ku dhowdahay heshiiska. (Sport1)

Arsenal ayaa loo sheegay in 24 jirka khadka dhexe ee reer Argentine Emi Buendia aanu ka tagi doonin kooxdiisa Norwich City inta lagu guda jiro suuqan bisha Janaayo. (Independent)

Manchester City ayaa heysata 27.5 milyan oo ginni oo ay xagaaga dib ugu soo iibsan karto cayaaryahanka khadka dhexe ee Aston Villa iyo xulka Brazil Douglas Luiz laakiin Pep Guardiola ayaan la fileynin inuu raadinayo 22 jirkan lala xiriirinayo kooxda Etihad Stadium ku cayaarta. (Birmingham Mail)

Montpellier ayaa diiday dalab uga yimid West Ham oo ku aadan weeraryahanka reer France Gaetan Labode, oo 26 jir ah. (Guardian)

Atletico Madrid ayaa dooneysa inuu tababare Diego Simeone u saxiixo heshiis cusub, kasoo kooxda kusii heynaya ilaa sanadda 2024ka. (AS – Spanish)

Cayaaryahanka khadka dhexe xulka Norway Martin Odegaard, oo 22 jir ah, ayaa codsaday inuu ka tago kooxdiisa Real Madrid. (Marca)

Daafaca reer Mareykan ee Newcastle DeAndre Yedlin, oo 27 jir ah, ayaa sheegay inuu mugdi ku jiro mustaqbalkiisa maadaama kooxdiisa aysan la billaabin wadahadalo qandaraas kordhin ah. (Newcastle Chronicle)

Tottenham ayaa xagaaga u dhaqaaqaysa saxiixa weeraryahanka kooxda Southampton iyo xulka England Danny Ings, 28.
iyadoo maamulaha Southampton Ralph Hasenhuttl uu sheegay in xaalada dhaqaale ee kooxda ay la micno tahay inaysan awoodin inay bixiyaan mushaarka cayaartoyda muhiimka ah sida Ings. (Mirror, Eurosport)

Ings ayaa doonaya inuu ku laabto koox ka cayaarta Champions League. (Telegraph)

Liverpool iyo Tottenham ayaa raadinaya heshiis macquul ah oo ay kula wareegaan cayaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Inter Nicolo Barella, oo 23 jir ah (Calciomercato)

Kooxda Faransiiska ka dhisan ee Nice ayaa qaboojisay xiisihii ay u qabeen cayaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United iyo England Jesse Lingard, 28, oo amaah ay ku doonayeen. (Sky Sports)

Cayaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham iyo England Dele Alli, oo 24 jir ah, ayaa kalsooni ku qaba inuu amaah ugu biirayo kooxda Paris St-Germain suuqan kala iibsiga bisha Janaayo . (The Sun)

Abdihakim Olad

Read Previous

20ka Cayaaryahan Ee Ugu Caawinta Badan Taariikhda Horyaalka PL-ga Iyo De Bruyne Oo Kaalinta 10aad Soo Galay

Read Next

Maxaa dib-u-dhigaya heshiiska Ozil Ee Fenerbahce?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?