Maxaa dib-u-dhigaya heshiiska Ozil Ee Fenerbahce?

Maxaa dib u dhigaya heshiiska Ozil Ee Fenerbahce?

Cayaaryahanka kooxda kubbada-cagta ee Arsenal Mesut Ozil ayaa maraya heerarkii ugu dambeeyay ee ka tegitaankiisa kooxda, waxaana uu isu diyaarinayaa billaabashada rasmiga ah ee safarkiisa xiga.

Dhowaan ayay ahayd markii ay si cad usoo shaacbaxday arrinta ku aadan heshiiska Mesut Ozil uu uga tagayo kooxda Arsenal iyadoo Kubbad-sameeyahani uu durbaba u guuray Turkiga si loo dhammeeyo arrimaha ka harsan heshiiska.

Haddaba maxaa dib u dhigaya in lagu dhawaaqo heshiiskan?

Xaqiijinta rasmiga ah ee heshiiska Mesut Ozil ee ku biiritaanka kooxda Fenerbahce ayaa sabab u ah gooni-u- sooc la xariira cudurka Covid-19, sidda uu qabo borotokoolka dalka Turkiga ee dadka dibadda ka imanaya .

Cayaaryahan Mesut Ozil ayaa yimid magaalada Istanbul goor-dambe oo habeennimadii Axadda ahayd.

Muddada uu karantiilku soconayo ayaa ku eg Jimcaha markaasoo la filayo inuu tijaabada caafimaadka maro isla markaana uu heshiiska dhammaystiro .

Waqtiga qadka-dhexe ee kooxda Arsenal ayaa sida muuqata goor-dhow si rasmi ah u dhammaanaya iyadoo la filayo in la soo gabagabeeyo joojinta la xariira heshiiska uu kula jiro Arsenal islamarkaana uu heshiis 3 sanno iyo bar ah qalinka ugu duugo kooxda Fenerbahce ee dalka Turkiga.

Abdihakim Olad

Read Previous

Suuqa iyo Saakay: Man United oo dalab Ka gudbineysa Medina, Arsenal Oo loo diiday Buendia, Lukaku oo ku gacanseyray City iyo Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa lagu waabariistay.

Read Next

Waa kuma daafaca aadka loola xiriirinayo Man United?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?