Real Madrid Oo heshiis 4 sanno ah la gaartay David Alaba

Daafaca kooxda Bayern Munich David alaba ayaa oggolaaday inu u wareego kooxda Real Madrid.

Cayaaryahankan ayaa u dhaqaaqi doona kooxda ka dhisan LaLiga ka hor xilli cayaareedka soo aadan.

Waxaana lagu wadaa inuu qalinka ku duugo heshiis 4 sanno ah, iyadoo la filayo inuu wakhti aan fogeyn usoo dhaqaaqo garoonka Santiago Bernabeu ee kooxda Madrid.

28 jirkan ayaa sidoo kale lala xiriirinayay kooxaha Manchester United, Manchester City iyo Chelsea balse waxay u muuqataa inay dhammaantood ku guul-daraysteen saxiixiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *