Trippier oo 10 isbuuc la ganaaxay Iyo Ath.Madrid oo badalkiisa Arsenal ka heshay

Daafaca kooxda Athletico Madrid Kieran Trippier ayaa wajahaya 10 isbuuc oo ganaax ah kaddib markii uu hareer-maray shuruucda cayaartooyda ee FIFA.

Qamaar shuruucda kahor imanaya ayuu galay xilligii uu kasoo wareegayay kooxda Tottenham (July 2019).

Waxaana lagu wadaa in Trippier uu seego 13 kulan ugu yaraan maadaama laga soo diiday racfaan uu qaatay.

Kooxda Athletico Madrid ayaa waxay dooneysaa iney badalkisa ka dhigto daafaca kooxda Arsenal Ainsley Maitland-Niles arrintiisana dhammeeyaan bishan Janaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *