Suuqa iyo Saakay: Xiisaha Juventus ee Di maria, Delle Alli iyo PSG, Ozil oo Arsenal macsalaameeyay iyo wararkii ugu dambeeyay ee suuqa

Maalin wanaagsan aqriste,
Maadaama uu furanyahay suuqa kal iibsiga cayaartooyda ee bisha Janaayo kooxu waxay ku kala hormarayaan saxiixyada bartilmaameedyadooda, iyadoo koox weliba ay dooneyso inay boosas gaar ah iska xoojiso isla markaan isku diyaariyaan barka xilli cayaareedka ka haray.

hadaba waxaan idiinsoo gudbineynaa wararki ugu dambeeyay ee daaqada suuqa kala iibsiga cayaartooyda.

Cayaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham iyo England Dele Alli oo 24 jir ah, ayaa “riixaya” kooxdiisa si uu ugu dhaqaaqo kooxda heysata horyaalka Faransiiska Paris St-Germain (Suxufiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano, bartiisa Twitter-ka)

Kooxaha Juventus iyo Tottenhan ayaa doonaya iney gorgoriyaan qiimaha kubbad sameeyaha PSG Angel Di maria oo ay saxiixiisa ku loolamayaan (Don Ballon)

Daafac Mehdi Benatia ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Parma ee ka ciyaarta horyaalka Serie A-da Talyaaniga isagoo amaah kaga soo tagaya kooxda Al-Duhail. Heshiiska ayaa la dhameystiri doonaa isbuuca soo aadan- Parma ayaa sidoo kale Milan kala soo saxiixanaysa Cayaaryahan Andrea Conti ( Sky Sports)

Kooxda Fenerbahce ayaa barteeda Twitterka ku shaacisay in Mesut Ozil uu soo gaaray magaalada Istanbul iyadoo heshiiskiisa uu gebogebo sii marayo

Ku simaha madaxweynaha Barcelona Carles Tusquets oo kamid ah saddexda musharax ee u taagan xilka madaxtinimo ee kooxda ayaa soo jeediyay in lala soo saxiixdo daafaca Manchester City iyo Spain Eric Garcia, oo 20 jir ah (Marca)

West Ham United ayaa miisaameysa inay u dhaqaaqdo 26 jirka reer France Gaetan Labode, kaasoo u ciyaara Montpellier. (Telegraph )

Weeraryahanka reer Holland Memphis Depay, oo 26 jir ah, ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibkiis Lyon Houssem Aouar, oo 22 jir ah, ay doonayaan inay u dhaqaaqaan “mid ka mid ah seddexda koox ee adduunka ugu fiican”. Depay ayaa lala xiriirinayay kooxda Barcelona, ​​halka ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Aouar la sheegay inuu bartilmaameed u ahaa Arsenal. (Kanaal +)

Tababaraha Fulham Scott Parker ayaa sheegay inuu doonayo inuu helo “ciyaartoy” isla markaana uu jeclaan lahaa in howlaha suuqa kala iibsiga ee kooxda la qabto xilli hore (Evening Standard)

Tababaraha Marseille Andre Villas-Boas ayaa xaqiijiyay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Morgan Sanson uu diirada u saaran yahay kooxaha Ingariiska, iyadoo Arsenal, Aston Villa, Tottenham iyo West Ham lala xiriirinayay 26 jirkaan. (Mail)

Agaasimaha kooxda Inter Milan Beppe Marotta ayaa sheegay in ay dhaqaale ahaan xasiloon yihiin laakiin aysan sameyn doonin wax maalgashi ah inta lagu jiro bishaan Janaayo. (Sky Sport Italia )

Maamulaha Hull City Grant McCann ayaa sheegay in weeraryahanka reer England Keane Lewis-Potter uusan iib aheyn, inkastoo ay jiraan wadahadalo heshiis cusub oo 19jirkan iyo kooxdiisa u dhaxaysa taasoo maraysa xaalad cakiran. (Yorkshire Post)

Abdihakim Olad

Read Previous

Depay: “Waxaan dooneynaa inaan aadno mid ka mid ah seddexda koox ee adduunka ugu sarreeya”

Read Next

Aubameyang Iyo Lacazette Oo Isku Heysta Numberka Uu Ozil Ka Tagay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?