Sababta Uu Mesut Özil U Xidhanayo Nambarka 67-aad Ee Kooxdiisa Cusub

Cayaaryahanka kooxda Arsenal Mesut Özil oo lagu wado in wakhti dhow si rasmi ah loogu magacaabo inuu yahay cayaaryahan Fenerbahçe ah ayaa u xiran doona kooxdiisa cusub Maaliyada nambarka 67aad.

Xiddigii hore ee kooxda Real Madrid ayaa xiran doona lambarka 67aad ee kooxdiisa cusub sababta ayaana ah in magaaladii uu ku dhashay ee Zonguldak ee dalka Turkiga ay leedahay lambarka boostada oo ka bilaabanaya 67.

Özil ayaan u ciyaarin Arsenal tan iyo bishii Maarso sababo la xiriira waxa uu tababare Mikel Arteta ku sheegay ‘sababo kubada cagta ah’, balse kooxda ayay ugu danbeyntii heshiis kuwada gaareen in la joojiyo qandaraaskiisa Sabtidii, taasoo wadada u xaareeysa inuu u dhaqaaqo Fenerbahçe.

24ka saac ee soo aadan ayaana lagu wadaa in lagu dhawaaqo saxiixiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *