Rasmi: Danny Drinkwater Oo Chelsea Ka Tagay

Cayaaryahanka qadka-dhexe ee kooxda Chelsea Danny Drinkwater ayaa ku biiray kooxda Kasimpaşa ee dalka Turkiga.

Drinkwater ayaan kasoo muuqan kooxda koowaad ee Chelsea tan iyo kulankii Community Shield ee 2018 ay la ciyaareen Manchester City;

30 jirkaan ayaa tababar la qaadanayay kooxda ka yar 23jirka ee Chelsea, marka laga reebo cayaar horumarineed oo ay la ciyaareen Tottenham bishii December ee sannadkii tagay, markaas oo cayaarta laga saaray kaddib casaan uu qaatay.

Drinkwater ayaa Kasimpaşa ugu biiray heshiis amaah ah, inta ka dhiman xilli cayaareedka si uu qaab cayaareed wanaagsan usoo helo islamarkaana uu boos u dagaalamo maadaama uu ku caajisay kursiga keydka ee kooxda Chelsea.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *