Lionel Messi oo qaatay casaankii ugu horreeyay ee waayihiisa Barcelona

Xiddigan heerka caalami ee xulka Argentine ayaa kooxdiisa Barcelona u saftay ku dhowaad 750 cayaar balse cayaarta ayaa laga saaray isagoo loo taagay kaar uusan horray u wajihin waayihiisa kooxda.

Lionel Messi ayaa la siiyay casaankii ugu horeeyay ee waayihiisa ciyaareed ee Barcelona ka dib markii uu si xun u weeraray cayaaryahan ka tirsan kooxda Athletico Bilbao dhamaadkii ciyaartii xalay ee kooxda Barcelona looga adkaaday 3-2 waqtigii dheeriga ahaa ee
kama dambeysta koobka Spanish Super Cup.

Messi ayaa kubad baas ah oo uu lulay ku qaaday cayaaryahan Asier Villalibre xilli uu weeraryahanka Athletic ku ordayay wadadiisa.

Garsoore Gil Manzano ayaa seegay dhacdada markii hore balse dib u eegis uu kusameeyay muuqaal caawiyaha garsoore (VAR) ayuu ka arkay in Messi uu sameeyay fal anshax xumo ah, isagoo jeebka kala soo baxay casaan toos ah.

Waxay ahayd casaankii ugu horreeyay ee uu abid Messi qaato isagoo ah laacib ka tirsan Barcelona, wuxuuna yimid kulankiisii 753-aad ee kooxda.

Balse intii uu u safanayay xulkiisa Argentine labba jeer ayaa loo taagay kaarka cas, wuxuu qaatay kulankiisii ugu horreeyay ee xulkiisa uu u safto cayaarta oo keliya socota 2 daqiiqo, sidoo kale kaarka labaad ee heerka caalami ayaa yimid kulan ay u tartamayeen kaalinta 3aad ee Copa America 2019 isagoo xulkiisa hoggaaminaya hayeeshee ma aysan saameen macqaanshiyaha kabtankooda waxayna xulka Chile uga adkaadeen 2:1.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *