Depay: “Waxaan dooneynaa inaan aadno mid ka mid ah seddexda koox ee adduunka ugu sarreeya”

Bartilmaameedka kooxda Barcelona Memphis Depay ayaa ishaaray inuu ka tagayo kooxdiisa Lyon marka uu dhammaado heshiiskiisa xagaaga – balse wuxuu farta ku fiiqay in cayaaryahanka ay isku kooxda yihiin ee reer Faransa Houssem Aouar uu isna ka socdaalayo garoonka Rhone Valley ee kooxda Lyon.

Memphis Depay ayaa horay ugu soo cayaaray kooxda Manchester United inkastoo waayihiisii kooxda uu aha mid fashil ku dhammaaday isagoo sannadii 2018kii u dhaqaaqay kooxda uu haatan ka tirsanyahay ee Lyon halkaasoo uu ka noqday shaqsi caan ah ka noqday.

Depay ayaa sheegay inuu hami u hayo inuu u cayaaro mid kamid ah kooxaha facaweyn, wuxuuna doonayaa inuu ku biiro 3da kooxood ee adduunka ugu sarraysa.

Kooxda Barcelona ayaa cayaaryahankan si dhow loola xiriirinayaa, waxaana uu ka gaabsaday inuu meesha ka saaro inuu ka tagayo kooxda Lyon goordhow.

Cayaaryahan Houssem Aouar ayaa dhanka kale muddo dheer lala xiriirinayay inuu isaga dhaqaaqo kooxda Lyon iyadoo xitaa uu aad ugu dhowaaday inuu ku biiro kooxda Arsenal xagaagii.

“Waan ognahay inaan u ciyaareyno koox aad u weyn laakiin waxaan dooneynaa inaan aadno mid ka mid ah seddexda koox ee adduunka ugu sareysa,” ayuu Depay u sheegay Canal +.

Wuxuu sii raaciyay “Markaa waxaad arki doontaa Houssem, wuu ka fiicnaan doonaa 10 jeer sida uu hadda yahay. Aniga ahaan, waa isku mid. ”

Abdihakim Olad

Read Previous

Lionel Messi oo qaatay casaankii ugu horreeyay ee waayihiisa Barcelona

Read Next

Suuqa iyo Saakay: Xiisaha Juventus ee Di maria, Delle Alli iyo PSG, Ozil oo Arsenal macsalaameeyay iyo wararkii ugu dambeeyay ee suuqa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?