Dagaalka Loogu Jiro Saxiixa Daafaca Arsenal Hector Bellerin – Juve, Barca iyo PSG

Daafaca kooxda Arsenal Hector Bellerin ayaa waxaa xiiseynaya seddex ka mid ah kooxaha miisaanka culus ee kubada cagta Yurub, sida ay qortay Calciomercato.

Barcelona, ​​Juventus iyo Paris Saint-Germain ayaa dhamaantood muujiyay xiisaha ay u qabaan 25 jirka daafaca middig, kaasoo qandaraas kula jira Gunners ilaa 2023.

Kadib markii ay ku soo barbaariyeen Bellerin akadeemiyadooda caanka ah ee La Masia, Barcelona ayaa u muuqata mid ugu macquulsan inay ku guuleysato dagaalka saxiixa Bellerin oo laga yaabo inuu qabsoomo xagaaga.

Kooxda Arsenal ayaa durbaba lala xiriirinayaa dambeedka middig ee kooxda Brighton Tariq Lamptey balse lama hubo in xiisahiisa uu xiriir la leeyahay kan u imanaya Bellerin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *