Aubameyang Iyo Lacazette Oo Isku Heysta Numberka Uu Ozil Ka Tagay

Weli si rasmi ah looma shaacin ka tagitaanka Mesut Ozil ee Arsenal oo lagu wado inuu ku biiro kooxda Fenerbahce ee dalka Turkiga , hayeeshee cayaartooyda kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaya inay noolaadaan nolol la’antii ah iyadoo weeraryahanada Arsenal Aubameyang iyo Lacazette ay isku diyaarinayaan inay dhaxlaan nambarka 10aad ee kooxda kadib bixitaanka Ozil.

Kooxda Fenerbahce ayaa barteeda Twitterka ku shaacisay sawiro mesut Ozil ay ku sheegayaaa inuu goordhow soo gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Kabtan Aubameyang oo caadiyan qaata No.14 iyo Lacazette oo No.9 ah ayaa u muuqda kuwa labaduba doonaya inay xilli ciyaareedka dambe qaataan No.10 marka uu noqdo mid firaaqo ah oo la heli karo.

Lacazette ayaa bartiisa Instagram soo dhigay sawirka isaga iyo Aubameyang oo tababarka wada jooga isla markaana farta isku fiiqaya isaga oo soo raaciyay sawirka kaftanka ku caanka ah ee Spider-Man oo Spider-Man kale farta ku fiiqaya.

Laca ayaa soo raaciyay sawirkaas qoraal sheegayay sida ay u doonayaan labada ciyaaryahan No.10-ka isaga oo yidhi “Marka aad labadiinuba doonaysaan number 10”

Intaas kaddib waxa hadalka qaatay Auba oo kusoo qoray “Waxay yidhaahdeen waanu fogeenay” isaga oo soo raaciyay dareeno muujinaya qosol markalena yidhi “adigaa iska leh walaal”

Dhawaanahan Arsenal ayay No.10-ka usoo qaadanayeen xiddigo kala ah Ozil, Jack Wilshere, Robin Van Persie, William Gallas iyo Dennis Bergkamp.

Lacazette ayaa ah mid aanu ku cusbayn Numberkaasi maadaama oo uu hore ugu xidhan jiray kooxdiisii Lyon.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *