Arsenal, Man City Iyo Everton Oo Xiiseenaya Dambeedka Middig Ee Brighton

Daafaca midig ee kooxda Brighton Tariq Lamptey ayaa waxaa ceyrsanaya kooxaha Arsenal, Everton iyo Manchester City, sida uu warinayo The Athletic.

Saddexda Premier League ayaa la dhacay qaab ciyaareedka cayaaryahankii hore ee Chelsea oo 20 jir ah iyagoo xaaladiisa la socday tan iyo markii uu usoo dhaqaaqay garoonka The Amex ee kooxda Brighton.

Lamptey ayaa todobaadkii hore saxiixay heshiisa uu kusii joogay kooxda Brighton kaasoo ku eg ilaa sannada 2025 balse taasi kama horjoogsan xiisaha u imanaya 20 jirkani.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *