Soomaaliya oo kubbadda kolayga kaga adkaatay Kenya

By on January 22, 2013
Xulka k.kolayga Soomaaliya

Xulka Kubbadda kolayga Soomaaliya ayaa ka adkaaday dhiggooda Kenya, cayaar ka tirsan tartanka waddamada Soonka shanaad (Zone V) ee Bariga Afrika oo ka socda dalka Tanzania.

Cayaartoyda Soomaaliya ayaa keensaday 81-dhibcood, halka cayaartoyda Kenya ay ka keensadeen 78-dhibcood.

Cayaartoyda dalkeenna oo marka laga reebo laba cayaaryahan ay ka yimaadeen qurbaha ayaa waxay fursad u haystaan inay u gudbaan wareegga labaad ee tartanka, maadaama qaybta B ee ay ku jireen ay ka kooban tahay saddex dal.

Soomaaliya waxay berri la cayaaraysaa Burundi oo ah xulka kale ee qaybta B ku jira. Burundi shalay waxaa ka badisay Kenya, waxayna haddii ay barbarro la galaan, ka badiyaan ama ay dhibco badan keensadaan [iyadoo laga adkaaday] waxay Soomaaliya si toos ah ugu gudbaysaa wareegga labaad.

Cayaartoyda Soomaalida ah ee qurbaha ayaa muujinaya awoodda ay ku soo celin karaan sumcaddii cayaaraha kubbadda kolayga ee dalka, iyadoo la xasuusto xulkii gabdhaha kubbadda kolayga ee Soomaaliya oo wacdaro ka dhigay cayaarihii Jaamacadda Carabta ee sanadkii hore la qabtay.

Comments

jawaab

About admin

Leave a Reply