Premier League oo lagu waajibiyay Goal-line Tech

Waxaa qoray Taariikh February 28, 2013
Goal-line

Laga billaabo xilli-cayaareedka soo socda, kooxaha horyaalka Premier League-ga ka cayaara waxaa qasab ku ah isticmaalka Goal-line Technology oo ah aaladda loogu talagalay inay  sheegto marka kubbadda uu xariiqda goosha ay dhaafto.

Xiriirka kubbadda cagta Ingiriiska ayaa ka dalbaday in hannaankaas cusub ay garoomadooda u sameeyaan 20-ka koox ee heerka sare ee dalkaIngiriiska laga billaabo bisha August ee sanadkan.

Sidoo kale kooxaha ku soo biiraya ayaa iyana laga rabaa inay hannaankaas qaataan.

Premier League ayaa la sheegay inuu wada-hadallo la billaabay labo ka tirsan saddexda shirkadood ee sharciga u leh bixinta adeegga Goal-line Technology ee kala ah Hawkeye iyo GoalRef.

Kaddib markii uu batay muranka la xiriira goolasha dhashay ee la diido iyo kuwa aan dhalan ee kooxaha lagu abaal-mariyo, waxaa la soo saaray hannaankan, iyadoo dhowaan uu tijaabiyay xiriirka kubbadda cagta Adduunka ee FIFA.

Comments

jawaab

About Olad

Leave a Reply