Cali Ameriko oo dhiirragelinaya xulka Soomaaliya

By on January 25, 2013
Safriika

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa ka qaybgalaya daawashada cayaarta xulka qaranka Soomaaliya ee kubbadda kolayga ay caawa la cayaarayaan xulka Rwanda.

Cayaartoyda oo labadii kulan ee is-aragga qaybta ay ku jireen ka kala adkaaday Kenya iyo Burundi ayaa rajo wanaagsan ka qaba inay u gudbaan Final-ka tartanka dalalka laysku yiraahdo Zone 5 ee ka socda Tanzania, kaas oo xulka tartanka ku guulaysta uu ka qaybgalayo cayaaraha kubbadda kolayga ee Qaramada Afrika.

Safiirka oo la hadlay Garsoore Sports ayaa sheegay inuu cayaartoyda la qaadanayo farxadda guulaha ay gaareen, wuxuuna sheegay inuu abaal-marin siinayo haddii ay tartanka ku guulaystaan.

Waxa uu ku ammaanay dedaalka ay muujiyeen labadii kulan ee hore, waxaanu rajo wanaagsan ka muujiyay inay tartanka ku guulaystaan.

Safiirka iyo wafdi la socdo ayaa sii joogi doona magaalada Daarusalam ee dalka Tanzania tan iyo kulanka ugu dambeeya ee Soomaaliya.

Comments

jawaab

About Gacaltooyo Cali

Leave a Reply